Ra’iisul Wasaare Xamsa oo Soo Gebogabeeyay Safar Shaqo oo uu ku Tagay Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa si rasmi ah u soo gabagabeeyay safar shaqo oo laba maalmood qaatay oo uu ku joogay magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug. Safarkan ayaa qayb ka ahaa dadaallada ay dowladda federaalku ku xoojinayso wada-shaqeynta kala dhexeysa dowlad-goboleedyada, gaar ahaan dhinacyada dowlad-dhiska, amniga, dib-u-heshiisiinta iyo diyaarinta hannaanka doorashooyinka.

Mudadii uu joogay Dhuusamareeb, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulamo miro-dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, xubnaha golaha wasiirrada dowlad-goboleedka, maamulka gobolka, waxgaradka, odayaasha dhaqanka, haweenka, dhallinyarada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. Kulamadaasi waxay diiradda saareen sidii loo xoojin lahaa wada-shaqeynta dowladda federaalka iyo Galmudug, kor loogu qaadi lahaa adeegyada bulshada, loona dardargelin lahaa horumarka ka socda deegaannada maamulka.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha Galmudug ayaa si qoto dheer uga wada hadlay arrimaha doorashooyinka, iyadoo si gaar ah xoogga loo saaray qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda jawi nabdoon. Dowladda Federaalka ayaa caddeysay inay ka go’an tahay taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo doorasho aan dib u dhac ku iman, taas oo shacabka Galmudug u suurtagelinaysa inay si dimuqraadi ah u doortaan hoggaankooda.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay go’aannada uu Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ku shaaciyay qabashada doorashada qof iyo cod, isagoo tilmaamay in tallaabadaasi ay tahay mid muhiim u ah horumarinta dimuqraadiyadda iyo xoojinta hay’adaha dowladeed. Wuxuu sidoo kale ku ammaanay sida Madaxweynaha Galmudug uga go’an tahay inuu doorashada qabto, kadibna si nabadgelyo iyo masuuliyad leh ugu wareejiyo xilka cidda ay shacabka doortaan.

Kulamada ayaa sidoo kale lagu falanqeeyay xaaladda amniga, dardargelinta dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada, xoojinta hay’adaha amniga, iyo sidii bulshada deegaannada Galmudug looga qeybgelin lahaa ilaalinta nabadda iyo xasilloonida. Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu carrabka ku adkeeyay in dowladda federaalku sii wadi doonto taageerada ay siiso Galmudug si loo xaqiijiyo amni waara iyo horumar dhaqaale.

Ka hor intii uusan ka ambabixin Dhuusamareeb, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kulan gaar ah la yeeshay siyaasiyiinta Galmudug ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed. Kulankaasi waxaa lagu lafaguray muhiimadda ay leedahay midnimada siyaasadeed, ilaalinta dowladnimada, iyo sii wadidda geeddi-socodka dowlad-dhiska. Siyaasiyiintii kulanka ka qeyb galay ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay inay ka shaqeeyaan xoojinta wadajirka bulshada, horumarinta maamulka, iyo ilaalinta dhaqanka wanaagsan ee isu wareejinta xukunka si nabad ah.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyay madaxda iyo shacabka Galmudug soo dhoweyntii diirranayd iyo wada-shaqeyntii ay la yeesheen intii uu booqashada ku joogay. Wuxuu sheegay in Dowladda Federaalka ay sii wadi doonto garab istaagga Galmudug si loo xaqiijiyo horumar waara, amni, adeegyo bulsho oo tayo leh iyo hannaan dimuqraadi ah oo shacabka Soomaaliyeed ay ku doortaan hoggaankooda.

Markii uu ka dhoofayay garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb, Ra’iisul Wasaaraha waxaa si rasmi ah u sii sagootiyay Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, iyo Mahad Salaad, kuwaas oo u rajeeyay safar nabdoon iyo guul uu ku sii ambaqaado howlaha dowladda Federaalka Soomaaliya.