Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarigga ka jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, kaas oo lagu qabtay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, iyadoo bandhiggaasi ay ka qeybgaleen ganacsato, hal-abuurayaal iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay carwada, isagoo mid mid u booqday goobaha lagu soo bandhigay wax-soo-saarka, adeegyada ganacsi iyo hal-abuurka ganacsatada Soomaaliyeed. Waxa uu halkaasi kula kulmay qaar kamid ah ganacsatada iyo dhallinyarada ka shaqeysa horumarinta ganacsiga iyo kobcinta fursadaha dhaqaale.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa si gaar ah u bogaadiyey gabdhaha Soomaaliyeed ee doorka muuqda ka qaadanaya horumarinta ganacsiga, arrimaha bulshada iyo hal-abuurka, isagoo tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay leeyihiin karti iyo awood ay kaga qeyb qaadan karaan kobaca dhaqaalaha dalka iyo horumarka bulshada.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhiirrigelinayso dadaallada ay wadaan gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku hawlan ganacsiga iyo hal-abuurka, isaga oo ballanqaaday in Xukuumaddu ay garab istaagi doonto dadaallada noocan oo kale ah.
“Waxaan idiinku hambalyeynayaa dadaalka ay la yimaadeen hablaha Soomaaliyeed, hal-abuurkooda iyo sida ay ugu dhiirradeen inay qabtaan Bandhigga Carwada Ganacsiga Gobolka Banaadir. Waxaan ballanqaadayaa in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay gabdhaha la yimid hal-abuurkan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu dhiirrigelin u jeediyey dhallinyarada doorka weyn ka qaatay qabanqaabada iyo qabsoomidda bandhiggan, isaga oo ku ammaanay dadaalkooda ku aaddan abuurista fursado ganacsi iyo soo bandhigidda fikrado cusub oo wax ka tari kara horumarinta dhaqaalaha dalka.
Mudane Xamsa ayaa xusay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaan gaar ah siinayso taageeridda ganacsatada yaryar iyo kuwa soo koraya, kuwaas oo laf-dhabar u ah kobaca dhaqaalaha, abuurista shaqooyinka iyo horumarinta isku-filnaanshaha bulshada.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsi, gaar ahaan sidii dhallinyarada iyo haweenka Soomaaliyeed loogu abuuri lahaa jawi ku habboon inay ku horumariyaan fikradahooda ganacsi, isla markaana ay uga qeyb qaataan kobcinta dhaqaalaha dalka.
Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir ayaa ah madal ay ganacsatada iyo hal-abuurayaashu ku soo bandhigaan wax-soo-saarkooda iyo adeegyada ay bulshada u hayaan, iyadoo sidoo kale fursad u siinaysa ganacsatada inay is-dhexgalaan, khibradaha is dhaafsadaan, isla markaana abuuraan xiriirro ganacsi oo cusub.
Ka qeybgalka Ra’iisul Wasaaraha iyo dhiirrigelinta uu u muujiyey ganacsatada, haweenka iyo dhallinyarada ayaa muujinaya muhiimadda ay Xukuumaddu siineyso horumarinta ganacsiga gudaha iyo taageeridda dadaallada lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka.