Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa shalay shir-guddoomiyay kulankii koowaad ee Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta hawlaha mudnaanta u leh guddiga iyo sidii loo gaari lahaa natiijooyin wax-ku-ool ah oo wax ka tari kara horumarinta xirfadaha iyo abuurista fursado shaqo oo waara.
Kulanka ayaa lagu lafa-guray qorshayaasha iyo howlaha horyaalla Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, iyadoo si gaar ah loo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan mideysan oo isku xira hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, ganacsatada iyo bahwadaagta horumarinta.
Hawl-wadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee qaabilsan arrimaha shaqo-abuurka ayaa kulanka ku soo bandhigay waajibaadka iyo muhiimadda uu guddigu leeyahay, hannaanka qaran ee isku-dubbaridka horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka, iyo qorshaha hawlaha mudnaanta leh ee la doonayo in guddigu xoogga saaro.
Waxaa sidoo kale kulanka warbixin ka soo jeedisay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo soo bandhigtay Siyaasadda Barashada Farsamada iyo Tababarka Xirfadaha. Siyaasaddan ayaa muhiim u ah sidii dhalinyarada Soomaaliyeed loogu diyaarin lahaa xirfado la jaanqaadaya baahida suuqa shaqada, horumarka tiknoolajiyadda iyo fursadaha dhaqaale ee dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa adkeeyay baahida loo qabo in horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka loo wajaho hannaan qaran oo mideysan, si loo hubiyo in dadaallada kala duwan ee socda ay yeeshaan jihayn cad iyo natiijooyin la cabbiri karo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta horumarintu ay muhiim tahay inay ku shaqeeyaan hal jiho oo mideysan, taas oo isku xiraysa horumarinta xirfadaha, baahida suuqa shaqada, maalgashiga iyo abuurista fursado shaqo.
Wuxuu sidoo kale xusay muhiimadda ay leedahay in dhalinyarada Soomaaliyeed la siiyo fursado ay ku bartaan xirfado wax-ku-ool ah oo u suurtagelinaya inay helaan shaqooyin wanaagsan, abuuraan ganacsi iyo inay si firfircoon uga qeyb qaataan kobaca dhaqaalaha dalka.
Guddiga ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato isku-xirka iyo isku-dubbaridka dadaallada la xiriira horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka, iyadoo la doonayo in laga fogaado kala-daadsanaanta barnaamijyada iyo maalgashiyada lagu horumarinayo awoodda shaqaalaha Soomaaliyeed.
Ujeeddada ugu weyn ayaa ah in dadaallada iyo maalgashiyada kala duwan ee dalka ka socda loo beddelo natiijooyin la taaban karo oo horseeda xirfado tayo leh, shaqooyin waara iyo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay.
Kulankan ayaa sidoo kale muujinaya muhiimadda ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya siinayso arrimaha shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha, gaar ahaan xilli ay dalka ku badan yihiin dhalinyaro u baahan fursado waxbarasho, tababarro xirfadeed iyo shaqooyin ay ku dhistaan mustaqbalkooda.
Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka ayaa la filayaa inuu sii wado kulamadiisa iyo qorsheynta hawlaha mudnaanta leh, si loo dardargeliyo hirgelinta siyaasadaha iyo qorshayaasha qaran ee la xiriira shaqo-abuurka, horumarinta xirfadaha iyo kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya