Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, oo ka hadlayay fadhigii Golaha Wasiirrada, ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday saldhigga booliska ee degmada Wardhiigley, isagoo ku tilmaamay inuu ahaa “isku day afgambi fashilmay.”
“Weerarka saldhigga wuxuu ahaa isku day afgambi oo lagu qaaday sharciyadda iyo dowladnimada, waxaana lagu qaaday duulaan hubeysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.
Isagoo hadalkiisa sii wata, ayuu faray hay’adaha amniga in ay si adag uga hortagaan falal noocaas ah, isagoo amray in tallaabo sharci ah laga qaado cid kasta oo ku kacda fal dambiyeed lagu waxyeelaynayo ammaanka iyo kala dambeynta dalka.