Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta ka qeyb galay munaasabadda xil-wareejinta Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo ka dhacday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaruhu ayaa muujiyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo doorka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u gutaan waajibaadkooda difaaca qaranka iyo sugidda amniga dalka.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Taliyihii hore, S/Gaas Odawaa Yuusuf Raage, waxaana lagu bogaadiyey dadaalkii iyo shaqadii uu kasoo qabtay ciidamada muddadii uu xilka hayey.
Munaasabadda xil-wareejinta waxaa ka qeyb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Saraakiil Ciidan, Safiirro iyo marti sharaf kale, kuwaas oo dhammaantood muujiyey taageerada ay u hayaan hoggaanka cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha ayaa u rajeeyey Taliyaha cusub guul iyo horumar, isagoo xusay in dowladda ay ka go’an tahay tayeynta iyo horumarinta ciidamada, si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni waarta.