Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Qatar kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba, iyadoo kulanka uu qeyb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen iyo sidii loo sii adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga iyo arrimaha gobolka. Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada hadlay xaaladda amni ee Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo Geeska Afrika, oo ah goobo muhiim u ah amniga iyo dhaqaalaha dalalka ku yaalla gobolka.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu gorfeeyay sidii labada dowladood ay uga wada shaqeyn lahaayeen xoojinta amniga badda iyo ilaalinta marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka, iyadoo la eegayo caqabadaha amni ee ka jira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen, Dr. Afrah Al-Zouba, ayaa sidoo kale isla eegay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo wada-shaqeynta iyo is-dhaafsiga aragtiyada ku saabsan arrimaha siyaasadeed iyo amni ee saameeya labada dal iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Yemen, labada dhinac ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Yemen, gaar ahaan arrimaha la xiriira amniga, xasilloonida gobolka iyo danaha ay labada dal wadaagaan.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo iskaashiga dalalka ku yaalla Geeska Afrika iyo Badda Cas, iyadoo Soomaaliya iyo Yemen ay wadaagaan xiriir dhow oo dhinacyo badan leh, gaar ahaan dhanka juqraafiyeed, amniga iyo ganacsiga.