Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa gaaray magaalada Belgrade ee caasimadda Serbia, isagoo halkaas ku jooga booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.
Wafdiga ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Macallin Fiqi, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Markii ay tageen Belgrade, waxaa si diirran ugu soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Serbia, Bratislav Gašić.
Inta lagu guda jiro booqashada, wafdiga Soomaaliya ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona madaxda ugu sarreysa dalka Serbia, kuwaas oo lagu gorfeyn doono iskaashiga dhinacyada amniga, difaaca iyo wada-shaqeynta guud ee labada dal.
Sidoo kale, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan gaar ah la qaadan doona dhiggiisa Serbia, si ay uga wada hadlaan qorsheyaal lagu xoojinayo iskaashiga dhanka difaaca, taas oo qeyb ka ah dhismaha iskaashi istiraatiijiyadeed oo labada dowladood ay wadaagaan.