Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda IRC, David Miliband, oo booqasho shaqo ku yimid dalka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda adag ee abaaraha ka taagan qaybo ka mid ah dalka, kuwaas oo saameeyay in ka badan 4.4 milyan oo qof.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa u muujiyay walaac xooggan David Miliband, isaga oo ka codsaday in IRC ay door muuqda ka qaadato gurmadka dadka tabaaleysan.
Miliband ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Soomaaliya ee la xiriira maaraynta dhibaatooyinka bani’aadannimo, wuxuuna ballan qaaday in hay’addooda ay gacan ka geysan doonto gurmadka, isla markaana ay arrintan la wadaagi doonaan beesha caalamka.
Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa maalmahan waday kulamo la xiriira isu-duwidda gargaarka bani’aadannimo iyo la shaqeynta hay’adaha caalamiga ah.