Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud ee magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ah Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka. Ujeeddada safarkooda ayaa ah ka qeybgalka munaasabadda caleema-saarka Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, oo lagu wado inay ka dhacdo magaalada Baydhabo.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowladda Koonfur Galbeed, xildhibaanno, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Baydhabo ayaa ka qeyb qaatay soo dhoweynta wafdiga, taas oo ka dhacday garoonka diyaaradaha ee Dr. Shaati-Gaduud.
Baydhabo ayaa maalmahan martigelinaysa diyaar-garow ballaaran oo loogu jiro munaasabadda caleema-saarka, iyadoo la filayo inay ka soo qeybgalaan madaxda ugu sarreysa dalka, diblomaasiyiin, siyaasiyiin, madax ka socota dowlad-goboleedyada iyo marti sharaf kale.
Munaasabaddan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah Dowladda Koonfur Galbeed, maadaama ay muujinayso wada-shaqeynta ka dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-goboleedyada, isla markaana xoojinaysa dadaallada lagu hormarinayo dowlad-dhiska, nabadda, amniga iyo horumarka dalka.
Amniga magaalada Baydhabo ayaa sidoo kale si weyn loo adkeeyey, iyadoo ciidamada ammaanka ay qaadeen tallaabooyin lagu sugayo nabadgelyada madaxda iyo martida ka qeybgalaysa munaasabadda, si ay u qabsoonto jawi deggan oo ammaan ah