Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre Oo Kulan laqaatay taliyeyaasha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda

Kadib kulan deg deg ah oo uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali kheyre uu la qaatay taliyeyaasha ciidamada AMISOM, kuwa dowladda iyo Safiirada Caalamka ayaa waxaa lagu go’aamiyey dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas Daaahir Aadan Cilmi(Indha-qarshe) ayaa sheegay in lagu heshiiyey in la dhameystiro qorsho horay loo soo waday oo ahaa howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay safiirada Caalamka ka jooga Soomaaliya ay ka codsatay inay ka taageeray dhinacyada Amniga iyo dagaalka Shabaab looga saarayo deegaanada iyo degmooyinka ay kaga sugan yihiin Soomaaliya,isla markaana ay u balan qaadeen.

Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay dhowr mar ay ku cel celisay in la bilaabi doono dagaal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab, hayeeshee taasi aysan fulin,waxaana faraha ka baxay Guud ahaan Amniga dalka gaar ahaan Muqdisho oo falal qaraxyo iyo dilal ay ka dhacayaan.