Ra’iisul Wasaarihii Dalka Spain Oo Xilka laga Qaaday

Baarlamaanka dalka Spain ayaa racdeeyay oo dibadda dhigay R/wasaare Mariano Rajoy ,kadib kolkii loo qaaday codka kalsooni kala labashada.

Ilaa 180- xildhibaan ayaa codka ugu badan kaga soo horjeestay R/wasaaraha maanta oo Jimco ah,waxaana loo heystaa in isaga iyo xisbigiisa ay galeen arrimo ay ka mid yihiin musuq-maasuq.

Waa R/wasaarihii ugu horeeyay ee loo qaada codka kalsooni kala noqoshada tan iyo wixii ka dambeeyay sanadkii 1977-dii.

Mr. Rajoy ayaa hadal uu jeediyay codeynta Baarlamaanka ka hor waxa uu u muuqday mid ogol in Mr. Sanchez oo ah hogaamiyaha mucaaradka uu qaban karo jagadaasi.