Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Khaliif oo geeriyooday

Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya inuu goor dhow halkaasi ku geeriyooday Cali Khaliif Galeyr oo mar soo noqday Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliaya.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in marxuumka uu ku xannusanaa Jigjiga labadii maalmood ee la soo dhaafay.

Cali Khaliif ayaa horey u soo noqday Ra’iisulwasaaraha dawladda Soomaaliya sannadkii 2000, sidoo kale waxaa mar loo doortay Hoggaamiyaha Khaatumo State oo dhisay gobalada Sool, Sanaag iyo Cayn.

Marxuum Cali Khaliif Galeyr waxaa uu ku dhashay Magaalada laas-Caanood ee xarunta Gobolka Sool qiyaastii sanadkii 1941-dii, waxaana haddsa uu ku geeriyooday da’da  78 sano jir.