Raila Odinga,Ra’iisul Wasaarihii Hore ee Kenya oo Geeriyoodey.

Raysalwasaarihii hore ee dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa ku geeriyooday magaalada Kareela ee dalka Hindiya, sida ay sheegayaan warbaahinta caalamka.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in Odinga uu u geeriyooday wadno xanuun isagoo da’diisu ahayd 80 sano.

Raila Odinga wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta ugu waaweyn uguna saameynta badan ee Kenya, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray siyaasadda dalkaas muddo tobanaan sano ah. Waxa uu dhowr jeer u tartamay xilka madaxweynaha Kenya, waxaana uu sidoo kale soo noqday raysalwasaare intii u dhaxaysay 2008 ilaa 2013.

Geeridiisa waxaa si weyn looga dareemay gudaha Kenya iyo meelo kale oo ka mid ah gobolka, iyadoo dad badan ay ka tacsiyeynayaan kaalintii uu ka qaatay siyaasadda iyo horumarka dalka Kenya.