Raiisal Wasaare Xamse oo Muqdisho Dib ugu laabtay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo maalmahan safar shaqo oo mirodhal ah ku joogay magaalada Baydhabo, ayaa galabta u dib ugu soo laabtay caasimadda Muqdisho.

Xamza oo maalmihii dambe ku sugnaa Baydhaba, ayaa kulamo kala duwan la qaatay madaxweynaha Koonfur Galbeed, odayaasha dhaqanka, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.