Ra’isalwasaare ku xigeenka dalka Turkiga oo kusoo wajahan Muqdisho

Ra’isalwasaare ku xigeenka Dalka Turkiga Hakan Çavuşoğlu ayaa la filayaa in maalinta Arbacada ah ee soo socota uu booqasho ku yimaado Magaalada Muqdisho.

Hakan Çavuşoğlu,waxaa uu booqashadiisa Afrika ka soo billaabayaa Dalka Suudaan halkaas oo uu kula kulmayo dhiggiisa Suudaan, Bakri Xasan Saalax.

Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkiga ayaa Dalka Suudaan xarigga ka jari doona dhismayaasha labo Masaajid,Kastamada Canshuuraha.

Labada Masaajid oo kala ah Al Xanafi iyo Al shaafici,kuwaas oo ay dhistay Dowladda Cusmaaniyiinta,waxaana hadda dayactir ku sameysay Hay’adda TIKA ee Turkiga.

Sidoo kale waxaa uu booqan doonaa Jasiiradda Suakin oo dhawaan Suudaan ku wareejisay Turkigamtaas oo 261 Maayl uun I jirta Magaalada Jiddah oo ah tan labaad ee ugu weyn Sucuudiga,halkaas oo dowladdii Cusmaaniyiinta ay ka difaaci jirtay Gobolka Xijaaz ee galbeedka Sucuudiga dhaca.

Dhinaca kale Ra’isalwasaare ku xigeenka Turkiga,waxaa uu Arbacada imanayaa Magaalada Muqdisho isaga oo la kulamaya Madaxweynaha iyo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya.