Ra”Isul Wasaaraha Dalka Itoobiya Oo Booqasho Ku Yimid Magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Somaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa iyo xubnaha labada gole ee dowladda ayaa garoonka Aadan Cade ku soo dhaweyay Ra”isul wasaaraha Itoobiya Ibiy Axmed oo booqasho hal miilin qaadanaysa ku yimid Muqdisho.

Abiy Axmed waxa soo dhawayn heer keedu uu sareeyo loogu sameyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho iyada oo goob joog uu ka haa madaxwene Farmaajo waxaana loo xiray dhamaan wadooyinka muhiimka ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo soo gelbiyay Ra”isulwasaaraha Itoobiya oo markiisii ugu horeysay booqasho ku yimid Somaaliya tan iyo markii loo doortay Ra”isul dalkaas kadib markii uu iska casilay Hailemariam Desilegn.

Amaanka magaalada ayaa si wayn loo adkeyay waxaana wadooyinka waaweyn la dhigay ciidamo gaar ah oo loogu talagalay in ay sugaan amaanka Ra”isul wasaaraha Itoobiya iyo madaxda kale eek u howlan soo dhawayntiisa.