RASMI: Neymar Jr Oo Qaliin Guulaystay Lagau Sameeyay, Kooxdiisa PSG Oo Warbixin Caafimaad Ka Soo Saartay Iyo Waqtiga La Filayo In Uu Soo Laabto.

Kooxda PSG ayaa xaqiijisay in xidiga kooxdeeda ee Neymar Jr uu maray qaliin guulaysatay kadib markii uu dhawaan u duulay dalkiisa Brazil halkaas oo xili danbe oo sabtidii ahayd qaliin loo diyaariyay. Maamulka kooxda PSG iyo xidhiidhka kubbada cagta Brazil ayaa markii hore isku maan dhaafsanaa qaabka loo xalinayo dhaawaca Neymar.

Neymar Jr ayuu dhaawac jabniin canqowga ahi ka soo gaadhay kulankii Marseille taas oo keentay in dhakhaatiirta xulka qaranka Brazil iyo PSG ay gaadheen go’aan wada jir ah oo lagu go’aamiyay qaliinka xidiga ree Brazil.

 

Neymar Jr ayaa qaliin ku maray cisbitaalka Materdei Hospital oo ku yaala Belo Horizonte ee dalkiisa Brazil waxaana qaliinkan fuliyay dhakhtarka xulka qarankiisa Brazil ee Dr Rodrigo Lasmar wuxuuna noqday qaliin lagu guulaysatay in lagu kabo isla markaana meesha looga saaray dhibaataadii dhaawac ee Neymar Jr soo gaadhay.

PSG ayaa cadaysay in Neymar Jr ay haddaba bilaabantay ka soo kabsashadiisa dhaawac laakiin waxaa warbixinta caafimaad lagu xaqiijiyay in muddo lix usbuuc ah marka ay soo kabsashadiisu socot si rasmi ah dib loogu qiimayn doono xaaladiisa iyo waqtiga uu garoomada ku soo laaban doono.

Waxayna tani la micno tahay in ugu horayn uu Neymar Jr seegi doono lixda usbuuc ee soo socda iyada oo kadib si rasmi ah loo ogaan doono haddii uu intaas ku soo kabsan karo iyo haddii uu waqti dheeraad ah u baahan doono laakiin warka ugu fiican ee ay Brazil heshay ayaa ah in koobka aduunka uu taam buuxa u noqon doono.

PSG ayaan adeega xidiga aduunka ugu qaalisan ee Neymar Jr heli doonin kulanka ay Real Madrid ku soo dhawayn doonto Paris ee lugta labaad ee UEFA Champions League waxaana la filayaa in Angel Di Maria uu booskiisa buuxin doono kadib markii uu bandhig fiican sameeyay kulamadii la soo dhaafay.

Si kastaba ha ahaatee, PSG ayaa rajaynaysa in lix todobaad kadib marka la qiimeeyo xaalada Neymar jr in uu kooxdeeda dib ugu soo laaban karo dhamaadka xili ciyaareedkan iyada oo haddii ay sii wadato Champions League-ga rajo ka qabta in uu qayb ka ciyaari karo