Raysulwaasare kheyre oo u safray Ethiopia.

Ra’iisul Wasaare Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u ambabaxay Magalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya.

Wafdiga waxaa garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magaalada muqdisho kasii sagootiyey Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda iyo mas’uuliyiin kale.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnaha la socda ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la yeelan doonaan madaxda dalka Itoobiya,iyaga oo kala hadli doona Arrimo dhowr ah.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa xalay Magaalada muqdisho waxaa uu kaga dhawaaqay in Dowladda Soomaaliya ay diyaarisey lacag dhan 5 Milyan oo Dollar oo wax looga qabanayo Cudurka Coronavirus,sidoo kalena uu amray in la xiro dhamaan Goobaha Waxbarashada dalka.