Raysulwasaarahii hore ee Somaliya Cumar Cabdirashiid oo gaaray Gorowe

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa maanta gaaray magaalada Garowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland.

Cumar Cabdirashiid ayaa ku biiraya Ergadda iyo Masuuliyiinta ka qayb galaya shirka Wadatashiga Puntland ee maanta ka furmay Garowe.