Raysulwasare Kheyre oo fasaxay Qalab u socday Safaaradda Imaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta farageliyay xaalad ka taagneyd Dekeda Muqdisho, kaddib markii Maamulka Dekeda ay dhowaan xanibeen Qalab u soo degay Safaaradda Imaaraadka Carabta ee Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in amarka lagu xanibay Qalabka u soo degay Safaaradda Imaaraadka Carabta uu ka yimid Madaxtooyada Soomaaliya.

Qalabkan oo Konteenar ku jiray ayaa Maamulka Dekeda ku amreen in la baaro, hase ahaatee Saraakiil ka tirsan Safaaradda Imaaraadka Carabta ay ku doodeen in aan la baari karo, sida Diblomaasiyadda ay qabto, waxaana kaddib ay maamulka Dekeda u gudbiyeen warqad ku qorneyd alaabta ku jirtay Konteenarka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo wehliyay Wasiirka Amniga Ducaale oo galabta tagay Dekeda Muqdisho ayaa kulan la qaatay Maamulka Dekeda Muqdisho iyo Maamulka Furdada, waxaana markii dambe Ra’iisul Wasaaraha uu amar ku in la fasaxo qalabkan, isla markaana la baari karin.

Imaaraadka Carabta oo safaarad ku leh Muqdisho ayaa alaabo uga soo dega Dekeda Muqdisho, waxaana horay u soo degay qalab Milateri iyo baabuurta aan xabadaha karin oo ay ugu deeqeen dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada.