Real Madrid Oo Dirqi Kaga Badbaaday Guuldaro Athletic Bilbao Kaga Soo Gaadhaysay Bernabeu Iyo Ronaldo Oo Kooxdiisa Xili Danbe Goolka Barbaraha U Keenay.

Real Madrid ayaa dirqi kaga badbaaday guuldaro garoonkeeda Santiago Bernabeu kaga soo gaadhi kartay kooxda Athletic Bilbao waxaana Madrid guuldaradan ka badbaadiyay Cristiano Ronaldo oo daqiiqadii 87 aad Madrid u keenay goolka ay guuladaradan kaga dhawrsatay.

Athletic Bilbao ayaa ku dhawaatay in ay saddexda dhibcood ku hesho Bernabeu kadib markii ay waqti dheer hogaanka ciayarta ku haysay gool uu xili horeba u dhaliyay Iñaki Williams laakiin goolka uu Ronaldo xiliga danbe dhalyay ayaa sabab u noqday in labada kooxood ay saddexda dhibcood qaybsadeen.

DAQIIQADII 14 aad kooxda martida ahayd ee Atheltic Bilbao ayaa si lama filaan ah ula timid goolka furitaanka iyada oo Madrid kaga naxsatay goolkan waxaana goolhaye Keylor Navas si fiicna u garaacay Iñaki Williams  kaas oo kubbad caawin ka helay Iñigo Córdoba waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Bilbao hogaanka kula wareegtay.

Real Madrid ayaa bilawday hawl galo waa wayn oo ay ku doonaysya in ay jawaab culus kaga celiso goolka looga hormaray iyada oo garoonkeeda Santiago Bernabeu marti loogu yahay laakiin kooxda Bilbao ayaa muujiysay adkaysi badan iyada oo goolhaye Kepa uu sameeyay badbaadino cajiib ah.

Real Madrid ayaa fursado badan u abuurtay si inta qayna qaybtii hore dhamaan ay ciyaarta ugu soo laabto laakiin dhibata ugu wayn ee hortaagnayd ayaa ahayd awooda goolhaye Kepa kaas oo ay Real Madrid bishii January ka gaabsatay in ay la soo saxiixato.

 Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Athetlic Bilbao awooday in ay hogaanka ciyaarta ilaashato waxaana waxtarka ugu badan u sameeyay Kepa kaas oo fursado ay Madrid goolal badan ku heli kartay joojiyay waxaana lagu kala nastay 1-0 ay Athletic Bilbao hogaanka ciyaarta ku haysay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Real Madrid ayaa halkeeda ka sii wadatay fursad abuuristii iyo in ay goolka barbaraha raadiso laakiin wali waxay Madrid garan la ahayd qaabkii ay ku gaadhi lahayd shabaqa Bilbao ee uu sida soo jeediyay u ilaalinayay goolhaye Kepa.

Daqiiqadii 64 aad Athletic Bilbao ayaa birta u garaacday Real Madrid waxayna ugu dhawaatay in ay ciyaarta si xoogan u go’aamoso iyada oo si aan la rumaysan karin uu De Marcos kubbad layableh u soo gaadhiisayay xerada ganaaxa Madrid iyada oo Navas iyo Willimas ay kubbadu dhaaftay lakaiin Cordoba ayaa goolkan gool ku dhalin gaadhay balse Carvajal ayaa joojiyay laakiin kubbada soo booday Garcia ayaa birta ku garaacay!.

DAQIIQADII 69 AAD Zidane ayaa Karim Benzema ciyaarta ka saaray waxayna hamaahiirta Real Madrid ku oriyeen xidiga ree France oo waqti aad u adag qaadanaya waxaana ciyaarta la soo galiyay Gareth Bale si uu kooxdiisa guuldaro uga badbaadiyo.

Sidoo kale Zidane ayaa ciyaarta soo galiyay Isco isaga oo badalay Marco Asensio laakiin kooxda martida ahayd ee Athletic Bilbao ayaa wali u muuqatay mid ayna Madrid jabin karin difaaceeda waxayna Los Blancos marba marka ka danbeeyay dadaal badan ugu bixinaysay in ay ugu yaraan barbaraha keensato.

DAQIIQADII 87 AAD Ugu danbayn Real  Madrid ayaa la timid goolka barbaraha ee ay waqtiga dheer ka soo shaqaysay waxaana goolkan u saxiixay Cristiano Ronaldo inkasta oo goolhaye Kepa iyo ciyaartoyda Bilbao ay ku doodeen in uu offside jiray balse garsoorka ayaan waxba tilmaamin waxaana caawinta goolkan sameeyay Luka Modrić.

Luka Modrić ayaa kubbada ku dareebeeyay goolka Bilbao laakiin Ronaldo ayaa cidhib ku dhaliyay goolkan balse ciyaartoyda Bilbao ayaan ku faraxsanayn in aanu garsooruku offside qaban laakiin goolkan ayaa Madrid ku abuuray in ay raadiyaan goolka guusha waqtiga kooban ee ciyaarta ka hadhsanaa.

Laakiin Real Madrid ayaan ku guulaysan in waqtigii koobnaa ee ciyaarta ka hadhsanaa iyo daqiiqado dheeri ah oo lagu daray ay ku keensato goolka labaad si ay guul u gaadho waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay barbaro 1-1 ah iyada oo Los Blancos iska lumisay fursada ay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid culays u sii saari kartay.