Real Madrid oo iyadoo marti ah xasuuqday Real Betis kulan ka tirsan La Liga iyadoo Benzema uu kulanka dilay

Real Madrid ayaa xasuuqday Real Betis kulan ka tirsan horyaalka La Liga, iyagoo sameeyay soo laabasho cajiib ah, waxeyna caawinaad ka heleen Karim Benzema oo dilay kulanka iyo sidoo kale Marco Asensio oo laba gool shabaqa soo taabsiiyay.

Zidane shax rogaal fiican ayuu sameeyay kulanka wuxuuna kusoo bilaabay kulanka Lucas Vazquez iyo Asensio isagoo kursiga keydka dhigay Benzema, sidoo kalana Bale ayaa kusoo bilowday ciyaarta.

GOAL: Daqiiqadii 11-aad: Marco Asensio ayaa shabaqa soo taabtay, wuxuuna kiciyay jamaahiirta kooxdiisa ee tirada kuwaas oo usoo safray garoonka Estadio Benito Villamarin.

GOAL: Daqiiqadii 33-aad: Aissa Mandi ayaa barbaro u keenay kooxdiisa isagoo soo taabtay shabaqa Navas, waxeyna jahawareer bilow ah u aheyd kooxda ka dhisan caasimadda.

GOAL: Daqiiqadii 37-aad: Nacho Fernandez ayaa kubad goolkiisa ku leexiyay, waxeyna u aheyd Real Betis iney hogaanka qabato markii ugu horeysay.

Qeybtii labaad ayey Real Madrid durba dadaal fiican sameeyeen waxeyna heleen sadex gool oo ay ka heleen Sergio Ramos daqiiqadii 49-aad, Marco Asensio daqiiqadii 57-aad iyo Cristiano Ronaldo oo daqiiqadii 65-aad shabaqa gaaray.

Real Betis ayaa madaxa lasoo kacday waxeyna kulanka ka dhigtay 3-4, kadib markii ay gool ka heleen Sergio Leon daqiiqadii 85-aad, balse ciyaarta oo dhamaad ah kooxda martida loo yahayna ay raadineyso goolka barbaraha waxaa niyadda ka dilay waqtigii dheeriga ahaa Karim Benzema.

Natiijada waxey kusoo dhamaatay 3-5, Madrid ayaana gaartay guul muhiim ah iyagoo wali rajo aad u yar ka leh iney la tartamaan Barcelona si ay u difaacdaan horyaalka La Liga.