Real Madrid Oo Ka Aarsatay FC Girona, Cristiano Ronaldo Oo AFAR Gool Dhaliyay, Christian Stuani Oo Laba Ugu Jawaabay Iyo Los Blancos Oo 4 Dhicbood U Soo Jirsatay Atletico.

Real Madrid ayaa Santiago Bernabeu kaga aarsatay kooxda FC Girona waxaana kulankan afar gool ka dhaliyay Cristiano Ronaldo halka xidiga kooxda Girona ee Christian Stuani  uu isna kulankan laba gool ka dhaliyay. Cristiano Ronaldo  ayaa si layaableh ugu soo biiray tartanka kabta dahabka ah ee gool dhalinta Yurub iyo abaal Marinta La Liga ee Pichichi.

Gareth Bale oo ciyaarta badal ku soo galay iyo Lucas Vazguez ayaa sidoo kale min hal gool kulankan ka dhaliyay.
Waxa kale oo dhamaadkii ciyaarta shabaqa soo taabtay xidiga kooxda Girona ee Juanpe waxayna Real Madrid guul ku gaadhay 6-3 iyada oo Guushan Real Madrid ka caawisay in ay 4 dhibcood oo kaliya u soo jirsatay kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Atletico Madrid oo guuldaro kala soo laabtay Villarreal.

 

Real Madrid ayaa doonaysay in ay ka aarsato kooxda yar ee FC Girona oo ay markii taariikhda La Liga ugu horaysay ay Santiago Bernabeu ku soo dhawaysay iyada oo Los Blancos si wayn u xusuusnayd guuldaradii ay qaybtii hore ee xili ciyaareedkan kala soo laabtay Girona.

DAQIIQADII 5 AAD Real Madrid ayaa ugu dhawaatay in ay goolka furitaanka heshay kadib markii uu Cristiano Ronaldo u muuqday in uu shabaqa Girona soo taabtay laakiin goolhayaha FC Girona ayaa sameeyay badbaadin cajiib ah si uu Ronaldo iyo Madrid uga beeniyo gool cadaan ah.

DAQIIQADII 11 aad Cristiano Ronaldo ayaa kooxdiisa Real Madrid u dhaliyay goolka furitaanka kadib markii uu caawin ka helay Toni Kroos wuxuuna markan Ronaldo si fiican ug garaacay goolhaye Bounou oo markii hore fursad cadaan ah ka beeniyay waxayna ciyaartu noqotay 1-0 ay Madrid hogaanka ku qabtay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 12 aad ee uu Cristiano Ronaldo ku dhaliyay Bernabeu lixdii kulan ee uu kooxdiisa uga soo muuqday wuxuuna sidoo kale ahaa goolkiisii 19 aad ee La Liga uu xili ciyaareedkan ka soo dhaliyay.

DAQIIQADII 28 AAD FC Girona ayaa heshay fursad cajiib ah oo ay ciyaarta ugu soo laaban kartay kadib markii uu Portuuu darbo ku sigay goolka Madrid basle waxa uu awoodi wayay in uu shabaqa soo taabto waxayna ciyaartu noqotay Madrid goolka labaad raadinaysa iyo Girona oo dagaal ugu jirta barbaraha ciyaarta.

DAQIIQADII 29 aad Kooxda FC Girona ayaa ciyaarta dib ugu soo laabtay kadib markii uu Cristhian Stuani uu gool madax aad xabad moodo ku garaacay goolhaye Keylor Navas wuxuuna xidiga ree Uruguay goolkan ku dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo uu soo tuuray Granell  waxayna ciyaartu noqotay barbaro 1-1 ah.

 

Real Madrid ayaa geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay ciyaarta hogaankeeda u soo ceshan lahayd waxayna ahayd kooxda markasta goolkan keensan kartay iyada oo bartilmaameedyo 8 ah qaybtii hore oo kaliya ku tuurtay goolka Girona laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 1-1 ah.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta ayay Los Blancos soo laabtay iyada oo dhaarsan isla markaana uu Zidane soo siiyay dardaarankii ugu danbeeyay waxayna bilawday in ay ka shaqayso sidii ay goolal kale u keensan lahayd.

DAQIIQADII 47 AAD Cristiano Ronaldo ayaa Los Blancos u keenay goolka labaad isaga oo markii labaad shabaqa ka soo taabtay kooxda martida ahayd ee Girona laakiin Karim Benzema oo aan xili ciyaareedkan gool dhalinta ku fiicnayn ayaa si cajiib ah Ronaldo goolkan uga caawiyay waxayna ciyaartu noqotay 2-1 ay Madrid hogaanka ku soo ceshatay.

DAQIIQADII 59 AAD Lucas Vázquez ayaa kooxdiisa Real Madrid u dhaliyay goolka muhiimka u ahaa in ay natiijada ciyaarta ka ilaashan karaan Girona oo markale ku hamiyaysay in ay ciyaarta ku soo laabto wuxuuna Lucas Vázquez goolkan ku dhaliyay kubbad caawin uu ka helay Cristiano Ronaldo oo goolka saddexaad ee kooxdiisa markale ku lug yeeshay waxayna ciyaartu noqotay 3-1 ay Madrid hogaanka ku dheeraysatay.

DAQIIQADII 64 AAD Cristiano Ronaldo ayaa dhamaystirtay saddexleyda goolasha ah ee uu kulankan ka dhaliyay kadib markii uu shabaqa Girona ku taabtay goolkiisa saddexaad laakiin Karim Benzema ayaa u muuqday in uu goolkan dhalinayo kadib markii uu kubbad ka helay Aseniso laakiin goolhaye Bounou ayaa Benzema fursadan ka beeniyay balse waxa uu kubbada u celiyay halka uu Ronaldo joogay wuxuuna sidaa CR7 ku dhaliyay gool afraad ee Madrid isaga oo ciyaarta ka dhigay 4-1 ay Madrid ku xasuuqayso Girona.

 

Cristiano Ronaldo ayaa ugu danbayn dhaliyay saddexleydiisii 50 aad ee waayihiisa ciyaareed ee kubbada cagta isaga oo waxayna markan ciyaartu u muuqatay mid ay Madrid hurdada u dirtay.

DAQIIQADII 67 aad Girona ayaa markale muujisay sida ayna wali isku dhiibin waxayna la timid goolka ay iskaga soo yaraysay tirada goolasha badan ee laga dhaliyay waxanaa markii labaad shabaqa Madrid booqday Christian Stuani  oo markan caawin ka helay Borja García  waxayna ciyaartu noqotay 4-2 ay Madrid hogaaka ku hayso.

DAQIIQADII 86 AAD Gareth Bale iyo Luka Modric oo ciyaarta badal ku soo wada galay ayaa iska caawiyay goolka shanaad ee Real Madrid waxaana goolkan dhaliyay Bale halka Modric uu ahaa xidiga caawinta goolkan loo diwaan galiyay waxayna ciyaartu noqotay 5-2 ay Madrid ku xaaqayso Girona.

DAQIIQADII 88 AAD Girona ayaa wali sii waday in ay dhaliso goolal inkasta oo ay markasta meel fog ka soo dagaalamaysay waxaana goolkeeda saddexaad u saxiixay Juanpe kaas oo gool madax ah ku dhaliyay kubbad caawin labaad oo uu sameeyay Granell  waxayna ciyaartu noqotay 5-3 ay Girona markale ku soo yaraysay farqigii goolasha.

DAQIIQADII 91 AAD ee dhamadkii ciyaarta Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisa afraad ee kulankan iyo waliba goolka lixaad ee kooxdiisa iyada oo ciyaartu noqotay mid sagaal gool layska dhaliyay wuxuuna Ronaldo noqday xidigii goolasha daah furay isla markaana soo xidhay waxayna ciyaartu ku dhamaatay 6-3 ay Madrid kaga aarsatay Girona.