Real Madrid oo waayi doonta xidig muhiim u ah kulamada soo socda ay ciyaareyso

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ee dalka Spain ayaa xaqiijisay inuu dhaawac soo gaaray laacibkeeda khadka dhexe ee Toni Kroos isla markaana uu garoomada mudo ka maqnaan doono.

 

Kroos kaasoo qeyb ka qaatay kulankii ay Real Madrid 3-1 kaga badisay Arbacadii Paris Saint-Germain ee Champions League ayuu dhaawac ku soo gaaray kulankaas, waxaana uu dhaawac ka soo gaaray sida ay kooxdiisu xaqiijisay jilibka bidix.

 

Madrid ayaa soo kabasho u rajeysay laacibkeeda, iyadoo la filayo inuu Kroos seego kulanka ay Axadda la ciyaarayaan naadiga Real Betis ee horyaalka La Liga.

Sidoo kale waxaa shaki laga galinayaa xiddigan reer Jarmal kualnka lugta labaad ee wareegga 16-ka Champions League oo ay u safrayaan Paris 06 bisha Maarso.

 

“Soo kabashada waa uu sii wadi doonaa waana la qiimeyn doonaa” ayaa lagu yiri bayaan ay Real Madrid ka soo saartay xaaladda xiddigan oo lagu qoray Website-ka rasmiga ah ee kooxda.

 

Xiddiga xulka qaranka Germany ayaa 19 kulan ugu soo bilowday safka hore naadiga Real Madrid 22 kulan oo ay ciyaartay horyaalka La Liga illaa iyo hadda xilli ciyaareedkan isagoo gacan ka geystay afar gool.