Real Oo Rikoor Gooldhalineed Tiigsaneysa, Barca Oo Aan Saddex Sano Ku Badin Camp Nou & Xaqiiqooyin Laga Qoray Kulanka El-Clasico Ee Caawa.

Barcelona ayaa Camp Nou kusoo dhaweyneysa kooxda ay aadka u xifaaltamaan ee Real Madrid – waana kulanka aduunka loogu jecel yahay iyadoo lagu saleynayo qiimeynta ay sameeyeen dadka kubadda cagta xog-ogaalka u ah sanadahii ugu dambeeyay.

Kulankaan wuxuu khaas u yahay Andres Iniesta Lujan oo kulankiisii ugu dambeeyay El Clasico safan doona maadaama uu bartamaha bishaan May isaga huleeli doono kooxda Balaugrana.

Waxaa laga soo diiwaan galiyay dhawr xaqiiqo, inyar oo ka mid ah ayaan hoos idinkula wadaagnay.

 

Kulanka caawa waa midkii 238-aad ee dhamaan tartamada oo dhan ay isaga hor yimaadaan labada kooxood, Barcelona ayaa guul gaartay 93-kulan halka ay Real Madrid guul heshay 95-jeer.

Barcelona ayaa ku fashilantay iney guul ku gaarto kulamada El Clasico gurigeeda Camp Nou dhamaan tartamada oo dhan (1-barbaro iyo 2-guuldaro). Markii ugu dambeysay oo ay Madrid ku qasaarto gobolka waxey aheyd March 2015.

Real Madrid ayaa noqon karta kooxdii ugu horeysay ee 400-gool ka dhalisa kulanka El Clasico (399-gool) ayey hadda leedahay, halka Barcelona ay dhalisay 387-gool).

Barcelona ayaa gaari karta guushii 50-aad ee La Liga kulanka El-Clasico ciyaaraha (Camp Nou), (49-guul, 18-barbaro iyo 20-guuldaro) ayey horay u heshay, kaliya afar kooxood ayey Balaugrana guulo intaas ka badan uga gaartay Camp Nou ciyaaraha horyaalka: Espanyol (66), Athletic (61), Real Sociedad (60) and Sevilla (57) ayaa ka badan.

Barcelona ayaa raadineysa iney labada kulan guul ka gaarto dhigeeda Real Madrid hal xilli ciyaareed, waxeyna noqon doontaa markii ugu horeysay tan iyo 2013-14 markaas oo ay ka hoos ciyaarayeen Gerardo Martino.

Barcelona ayaa gool dhalisay mid walba oo ka mid ah 20-kii kulan ee lasoo dhaafay La Liga oo ay ka hortagtay Real Madrid (46-gool) ayey mudadaas dhaliyeen, waana rikoorkii labaad ee ugu dheeraa oo kulankaan laga sameeyo (Real Madrid ayaa gool dhalisay 22-kulan oo xiriri ah intii u dhaxeysay 1959 ilaa 1969.

Lionel Messi ayaa ah gooldhaliyaha ugu sareeya kulanka El-Clasico – 25-gool ayuu shabaqa gaarsiiyay halka Ronaldo uu kulanka ka dhaliyay 17-gool, wuxuu barbareyn karaa ama dhaafi karaa Alfredo di Stefano oo 18-gool ka dhaliyay kulankaan, ahna kan ugu sareeya dhanka Madrid ee goolasha kulankaan.

Lionel Messi ayaa ku fashilmay inuu gool ku dhaliyo Camp Nou afartii kulan ee ugu dambeysay ciyaaraha El Clasico gaar ahaan kulamada horyaalka (La Liga).

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 11-gool, 11-kii kulan ee uu horay u booqday Camp Nou dhamaan tartamada oo dhan. Gabi ahaan 11-kaas gool wuxuu ka dhaliyay xerada dhexdeeda – hal ayaana rigoore ah.

Sadex ciyaartoy ayaa safan kara kulankii 38-aad ee El Clasico waana Iniesta, Lionel Messi & Sergio Ramos. Manolo Sanchis ayaa ugu badan oo 43-jeer kasoo muuqday, isagoo ka sareeya Paco Gento iyo Xavi oo min 42-jeer ciyaaray kulankaan.

Real Madrid ayaa gudoontay 14 kaarka cas 31-kulan oo El Clasico ah tan iyo 2009-2010 dhamaan tartamada oo dhan. Waana in ka badan 9-kaar inta ay qaadatay Barcelona waqtigaas.