Recep Tayyip Erdogan oo furay wajiga hore ee mid ka mid ah garoomada caalamka ugu weyn

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa dhagax dhigey mashruuc weyn oo lagu balaarinayo garoonka diyaaradaha Istanbul taasoo haddii la soo dhamaystiro uu noqon doono mid kamid ah garoomada diyaaradaha caalamka ugu weyn.

Warbaahinta Turkiga ayaa shaacisay in martisharaf ka socotay illaa 18 dal ay ka soo qeybgaleen furista wajiga hore ee mashruucan loogu magac daray Garoonka diyaaradaha Istanbul.

Madaxdii ka qeybgashay munaasabadan ayaa waxaa kamid ah Amiirka Qatar Emir Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, Madaxweynaha Sudan Omar al-Bashir iyo hogaamiyaasha dalalka Pakistan, Kyrgyzstan, Kosovo, Macedonia, Moldova, Albania iyo Serbia.

“Istanbul waa dheeman qurux badan oo u dhexeysa labo bad taasina waa sababta aan ugu magac darnay garoonkan Istanbul.”ayuu yiri Erdogan oo munaasabadan ka sheegay in ay ku soo beegantay sanadguuradii 95aad ee aasaaska Jamhuuriyada Turkiga.

Erdogan ayaa waxa kale oo uu ku tilmaamay mashruucan inuu yahay mid ay ka faa’ideysanayaan dalalka gobolka iyo guud ahaan caalamka.

Mashruuca dhismaha garoonkan ayaa qaadan doono muddo toban sanadood ah iyadoo ugu dambeyn la soo  afjari doono sanadka 2028.

Waxaa la filayaa in maalin walba ay 2,000  oo diyaaradood ay ku degi doonaan ama ka duuli doonaan dhamaadka sanadkan sida ay daabacday  Anadolu.

Qiimaha  bilowga u ah dhismaha garoonka ayaa waxaa lagu sheegay $7.2bn, waxaana la filayaa inuu gaaro lacag ka badan $30.65bn oo ay dowlada Turkigu bixinayso. Dhamaadka sanadka 2018 ayaa la filayaa in 90 million oo ruux ay isticmaalaan garoonka halka marka la dhameeyo dhismaha 2028 ay gaari doonaan rakaabka isticmaali doona garoonka illaa 200 oo malyan oo ruux.