Reer galbeedka oo dalbaday baaritaano lagu sameeyo hubka kiimikada ee dowladda Suuriya

Dalalka Mareykanka,Faransiiska iyo Britain ayaa billaabay isku day cusub oo ay ku doonayaan in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo eedeymaha ah in dowladda Suuriya ay isticmaaleyso hubka kiimikada.

Saddexdaan dal oo habeen hore weerar ku qaaday bartilmaameedyo ku yaalla Suuriya ayaa golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey u qeybiyay qaraar qabyo qoraal ah oo ay ku doonayaan in muddo bil gudaheeda ay kooxda caalamiga ah ee xakameynta hubka kiimikada ay warbixin ka soo saarto eedeymahaasi.

Mareykanka ayaa kal hore ku hanjabay in uu duqeymo dheeraad ah ku qaadi doono gudaha dalka Suuriya, haddii xukuumadda madaxweyne Asad ay sii waddo in ay adeegsato hubka kiimikada ah.

Dhanka kale, milatariga dalka Suuriya ayaa shaaciyay in uu gebi ahaanba la wareegay gobolka bariga Duuma oo ay mucaaradku maamuli jireen.

Fallaagadii ugu dambeysay ayaa basas uga baxay magaalada Duuma, iyagoo ku sii wajahan dhanka woqooyiga dalkaasi Suuriya.