Roman Abramovic oo ka caawinaya Mancehster United inay la saxiixato Willian!

Neymar, Gareth Bale iyo Cristiano Rnaldo aya ahaa xiddigihii ugu cadcaddaa ee uu Jose Mourinho doonayay inuu ku adkeeyo safkiisa weerarka.

Kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa si aad xagaagan ugu dhex jirta suuqa kala iibsiga ciyaartoyda waxaana macallinkoodu uu doonayaa in safkiisa weerarka uu kusoo biiriyo ciyaartoy waaweyn.

Mourinho ayaa dareenkiisa si aad ah u siinaya laacibka Chelsea ee Willian kaasoo ka ciyaara garabka midig isagoo doonaya inuu soo xero geliyo.

Ciyaaryahanka iyo macallinka ayaa si aad ah isugu dhow iyagoo Blues kasoo wada shaqeeyay waxaana Jose uu doonayaa inuu mar kale la midoobo, halka Willian qudhiisa uu hammi gaar ah u hayo ka huleelidda Stamford Bridge.

Milkiilaha kooxda Chelsea ee Roman Abramovic ayaa doonaya inuu isna iibiyo laacibka reer Brazil si uu u helo lacago uu la tago suuqa kal iibsiga xagaagan.

Illaa £50m ayuu rajeynayaa Roman inuu ku helo Willian, taasoo ah qiimo aad ugu roon Red Devils maadaama uu ka qiimo jaban yahay weeraryahannada kale ee ay doonayso sida Gareth Bale.

Sidaas darteed Milkiilaha Blues waxa uu United u sahlay iibka 29-jirkan inkastoo uusan jecleyn inuu ka iibiyo koox ay ku xafiiltamaan gudaha England xilli 12-bilood ka hor uu ka iibiyay Nemanja Matic.