Roobab xooggan oo Khasaare geystay oo Maanta ka da’ay Muqdisho

Roobab xoog leh oo Saacadihii lasoo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa saamayn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka, iyadoo wadooyinka waaweyn iyo kuwa xaafaddaha ay biyo fariisteen.

Roobabkaasi ayaa sidoo kale saameyn ku yeeshay dadka Barakacayaasha ah ee kunool Magaalada Muqdisho,kuwaa soo aan heysanin waxyaabo ay ka okortaan dhibicda roobka

Degmooyinka Xamarweyne iyo Boondheere ayaa waxaa ka go’ay wadooyinka inta badan kadib markii ay Fadhiisteen biyo.

Waxaa sidoo kale jira guryo ku dhumay roobabkaasi oo waxyeelo ay kasoo gaartay dadkii kunoolaa.