Roobabkii Xooganaa ee Muqdisho iyo Burburka Waddooyinka: Dadka oo Xayirmay, Nolosha oo Hakad Gashay

Fathi Hassan – Bilan Media
Muqdisho

Roobab xooggan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo saameyn ballaaran ku yeeshay isku socodka dadka iyo gaadiidka. Roobabka ayaa sababay burburka waddooyin muhiim ah, dumiya guryo, waxaana meelaha qaar daadadku si weyn u saameeyeen dadka iyo hantidooda.

Goob-joogayaal ku sugan caasimadda ayaa sheegay in waddooyin badan ay go’een, iyadoo dadka qaar ay ku xayirmeen jidadka, halka kuwo kalena lagu arkayay iyagoo lugeynaya dhexda daadadka.

Maxamed Jaamac, oo ka mid ah darawallada bajaajta, ayaa la hadlay Bilan Media isagoo si adag uga hadlay dhibaatooyinka roobku u keenay shaqadiisa iyo noloshiisa:

“Maanta meel aan ka maarno dhiiqo ma jirto. Magaaladu meel kasta waa biyo. Canshuur ayaa nalaga qaadaa habeen iyo maalin, balse marka roobku da’o shaqo malahan. Guryaha, dukaanada, iyo bajaajta dhamaantood lacag ayaa laga qaadaa.”

Maxamed waxa uu sidoo kale dhaliilay maamulka waddooyinka:

“Dadkii waddooyinka dhisayay lama xakameeyo, waxay qaataan qandaraasyo, laakiin waddooyinkii waa burbursan yihiin.”

Mahdi, oo ah mid ka mid ah shacabka Muqdisho, ayaa isna sheegay in qiimaha lagu raaco gaadiidka uu sare u kacay:

“Waddooyin badan way xirnaayeen. Meelo badan biyaha ayaa jidadka jaray. Saaka gaari hilib siday ayaa jidka Soobe ku dhacay. Bajaajtii hal doolar lagu raaci jiray hadda waxay noogu sheegayaan saddex doolar. Dowladda canshuur ayay naga qaadaa, balse wax muuqda ma qabaneyso.”

Roobabka ayaa mar kale muujiyay nuglaanta kaabeyaasha dhaqaalaha ee Muqdisho, gaar ahaan marka ay yimaadaan xaalado degdeg ah oo dabiici ah. Dadka shacabka ah waxay codsanayaan in si degdeg ah wax looga qabto burburka jidadka iyo maamul xumida qandaraasyada dhismaha waddooyinka.