Rooble oo Imaaraadka Carabta kala hadlay kordhinta Gurmadka Abaaraha

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta Mudane Shakhbout Bin Nahyaan.

labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal kordhinta gurmadka Imaaraadka ee dadka Soomaaliyeed ee abaartu Saameysay.