Rooble oo la kulmay odayaasha beellaha Banaadiriga

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Odayaasha Dhaqanka iyo Guddiga Doorashada beelaha Banaadiriga.

Kulankan ayaa waxaa uu ku saabsanaa hufnaanta doorashada kuraasta Banaadiriga iyadoo aan weli doorashada banaadiriga la bilaabin.

Waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Guddiyada Doorashada Heer Federaal ee (FEIT) iyo Xallinta Khilaafaadka.