Ruushka oo si adag uga hadlay Weerarkii Suuriya

Vladimir Putin Madaxweynaha Ruushka,  ayaa si kulul uga hadlay Weerarkii xulufadda Mareykanka ay ku qaadeen dalka Suuriya, islamarkaana looga jawaabaayay Xaaladda Weerarkii Sunta loo adeegsaday ee ay sameeyeen ciidamada Suuriya.

Puntin waxaa uu si ba’an u cambaareeyey weerarka ay reer Galbeedku ku qaadeen Suuriya oo ay dalkiisa xulufo yihiin.

Telefishanka dawladda Ruushka ayaa baahiyay in ay tahay gardaro Cad Weerarkii lagu qaaday Suuriya.

Putin ayaa yiri “fal gardarro cad ah iyo Weerar lagu soo qaaday Suuriya ayay sameeyeen Mareykanka iyo xulufadiisa.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in hubka kiimikada ah ee la sheegay in lagu weerary magaalada Duuma ee Suuriya todobaadkii hore, uu ahaa shirqool la maleegay oo looga gol lahaa in marmarsiiyo looga dhigto weerar lagu qaado Suuriya.

Waxaa uu sheegay in ay bixin doonaan Jawaab ku aadan Weerarka lagu qaaday Suuriya.