Ruushka ayaa dhexda uga dhacay xogta shir ka dhan ah oo ka dhacayay Dalka Jarmalka waxaana sidaas caddeeyay mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Berlin kaddib markii Warbaahinta Moscow ay baahisay muuqaalka fadhiga qarsoodiga ahaa.
Jarmalka ayaa sheegay in uu aad ula yaabay kaddib markii ay baraha Bulshada ay soo geliyeen Warbaahinta ku hadasha Afka Maamulka Ruushka muuqaalka shirkaan iyo dhammaan xogta waxyaabaha looga wadahadlay.
Xogaha laga dhex baxsaday ayaa ah muujinaya in duullaan xooggan lagu yahay Ruushka iyada oo marka hore la samaynayo isbahaysi culus oo hormuud ay u yihiin Dalalka la safan Ukraine si ay xaqiijiyeen ilo kala duwan oo Warbaahinta la hadlay.
Ruushka ayaa dareensan saan-saanta aan wanaagsanayn ee waddamada xulufada ah ay wadaan si ay ugu yaraan u dejiyaan qorshooyin lagu samayn karo isbahaysi u diyaarsan in uu duullaan ku qaadi karo Xukuumadda Moscow.