Ruwanda oo dib Suuqa uga bixisay Daawo lagu sameeyay Kenya.

Hay’adda Cuntada & Dawooyinka Ruwanta u qaabilsan ayaa dib u celisay daawo lagu soo sameeyay Dalka Kenya kaddib markii ay shaacisay in baaritaan lagu samayn doonno si loo hubiyo sababta keentay in Dadka qaar ay saamayn xun ku reebtay.

Warka Hay’adda ayaa lagu sheegay in la hubinayo caafimaadka dadka sida joogtada ah u isticmaalay Kaniiniyada Fluconazole ee ay samaysay Univeral Corporation oo ah shirkad laga leyahay Dalka Kenya.

Dadka qaatay daawadaan ayaa lagu amray in ay dib ugu soo celiyaan farmashiyeyaasha taraafiiqda sii iibiya dawooyinka oo qudhooda dib ugu celin doonna shirkadaha mas’uulka ka ah dawooyinkaan in ay galaan Ruwanda.

Saraakiisha Caafimaadka ma sheegin saamaynta dhabta ah ee Dadka ku yeesheen kaniiniyaashaan balse waxa ay dib u dhigeen illaa inta ay ka ogaanayaan baarista ay ku samaynayaan sida daabacday warbaahinta qaar.