Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ku soo dhaweeyay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharrax Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), oo hoggaaminayay wafdi ka qeyb geli doona shirka ay dhawaan Kismaayo ku yeelanayaan madaxda mucaaradka dalka.
Sidoo kale, magaalada Kismaayo ayaa maanta waxaa gaaray xubno kale oo ka tirsan mucaaradka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka, Mudane Xasan Cali Khayre iyo Mudane Maxamed Xuseen Rooble, kuwaas oo dhammaantood ka qeyb geli doona shirka la filayo in uu si rasmi ah u furmo maalmaha soo socda.
