Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dowladdii Kumeel-gaarka ahayd ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi ayaa ku baaqay in garab istaag xooggan lala dhinac istaago Dowladda Federaalka ee Itoobiya ka difaacaysa xadgudubka dhuleed ay ku samaysay.
Geeddi ayaa tilmaamay in tallaabada gurracan ee Itoobiya uu guuldarsan doonno waxaana uu soo jeediyay in la xoojiyo ololaha xooggan ee looga dhiidhinayo xadgudubkaas dhul & madaxbannaani ee Soomaaliya.
“Aad baan uga xumahay in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Nin Gobolka Xukuma isaga oo shuruucda caalamiga ah, qawaaniinta & xeerarka adduunka yaqaana heshiis ayaan kula galay in uu iga iibiyo 20 KM oo ah Badda Soomaaliyeed, ” Cali Maxamed Geeddi.
Madaxda xilalka kala duwan ka haysa Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada & mas’uuliyiin xilal kasoo qabtay Soomaaliya ayaa ka falceliyay tallaabadii Itoobiya ay ku shaacisay in ay heshiis dhinaca badda ah la gashay Maamulka Somaliland.