RW Khayre oo Kormeeray Xerada Danab ee Bali-doogle

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa maanta oo Khamiis ah kormeer ku tagay xerada tababarka Ciidanka Danab ee Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Xerada Bali-doogle oo ah saldhig Ciidamada Mareykanka ay ku tababaraan ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee loo yaqaano Danab ayaa axaa ku sugan Ciidamada AMISOM, Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya iyo ciidan Mareykan ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kormeerkiisa ku wehlinayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xasan Cali, Abaanduulaha Ciidamada xoogga dalka, Saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale.

Khayre ayaa warbixino ka dhageystay Saraakiisha ciidamada ee ku sugan xerada Bali-doogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxayna u faah faahiyeen xaalada xerada iyo baahiyaha ay qabaan.

Wuxuu sheegay Ra’iisul Wasaare Khayre in booqashadiisa ay qeyb ka aheyd sidii u ogaan lahaa horumarka ay sameeyeen sanadkii la soo dhaafay Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab.

”Waxaan maanta booqday xerada Ciidanka Bali-doogle si aan u soo ogaado horumarka ay sameeyeen sanadkii la soo dhaafay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ee Danab.” Ayuu yiri RW Khayre.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ciidamada kula dardaarmay in ay shaqadooda laba jibaaraan, kana qeyb qaataan difaacidda dalka.