Rw kheyre iyo maamulka G/banaadir Oo dhagax dhigay wado laami ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta dhagax dhigay wadada Xeebta Liido ee degmada C/Casiis.

Wadadaan oo burbursaneyd 28 sano ee la soo dhaafay ayaa hada waxaa la saaraya sida qorshaha uu yahay laami cusub.

Lacagaha lagu dhisayo wadadaan 25% waxaa bixinaya Xukuumada uu hogaaminayo Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre.

Munaasabada dhagax dhiga wadadaan waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha gobolka banaadir, guddoomiye ku xigeenada gobolka iyo maamulka degmada C/Casiis.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka gobolka uu ka shaqeynayo sidii loo dhisi lahaa dhismaha dhamaan wadooyinka caasimada.

Guddoomiye Yariisow ayaa Ra’isal Wasaare Xasan Cali Khayre kaga mahad celiyay taageerada uu la garab joogo maamulka gobolka banaadir.