RW Kheyre oo Garowe lagu soo dhoweeyay

Wafdi Ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, islamarkaana ay ka mid yihiin Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaaray magaalada Garowe.

Garoonka Magaalada Garowe ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Shacabka kunool Garowe.

Wafdiga uu hoggaaminaayo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa ay halkaasi  ka dhagax dhigi doonaan Mashaariic loogu tala galay in Puntland lagu hormariyo.

Waxaa uu sidoo kale ka qeyb gali doonaa Xafladda Sanadguuradii kasoo wareegatay Markii la Aas Aasay Maamulka Puntland.

Ra’iisul Wasaare Kheyre waa Markii ugu horreysay oo uu taggo Puntland tan iyo intii uu noqday Ra’isul Wasaare.