RW kheyre oo ka qeyb galay Salaad jinaaso ah oo lagula tukaday Nabadoon Axmed Diriye ( SAWIRRO)

Arbaco, Feb 21, 2018(GNN) Ra’iisal Wasaaraha xukumadda federaalka ee Soomaaliya Xassan Cali kheyre, wasiiro, xildhibaano iyo xubno kale ayaa maanta salaada jinaasada masaajidka isbaheysiga ee magaalada Muqdisho kula tukaday allaha unaxariiste  Nabadoon  Axmed Diiriye Cali oo habeen hore ku geeriyooday Muqdisho.

Meydka nabadoonka  ayaa loo qaaday magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud halkaaso lagu aasi doono maadaam ka hor inta usan geeriyoon marxuum-ka u ku dar daarmay in lagu aaso duleedka magaalada Cadaado.

Xassan Cali Kheyre ayaa guddi wasiiro ah u magacaabay  aaska allaha uaxariiste Nabadoon Axmed Diiriye Cali kuwaaso ka shaqeyn doono waxyabaha loo baahan yahay.

Ra’iisal wasaaraha xukumadda federaalka ee Soomaaliya Xassan Cali kheyre ayaa alle uga baryay marxuum-ka inuu janada fardowsa ka waraabiyo,  islamarkana  intii u noola  Axmed diiriye uu juhdi badan galiyay  dhanka nabadda.

Dhanka kale Magaalada cadaado ayaa waxaa maanta gaaray wafdi u horkacayo madaxa xukumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xassan kuwaaso ka qeyb galaya aaska nabadoon Axmed Diriye Cali.

Abdijamal Moalim  Ahmed.

Radiogalgaduud.com

Abduljamal20@gmail.com

info@radiogalgaduud.com