RW Kheyre Oo xalay Kormeer Kutegay baro kontorool

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer ku tagay qaar ka mid ah saldhigyada degmooyinka gobolka Banaadir iyo kontoroolada magaalada oo ay ku sugnaayeen ciidanka xasilinta caasimadda.

Kormeerkan waxaa  Ra’iisul Wasaaraha ku wehlinayay Wasiirka amniga Soomaaliya, Taliyaha ciidanka booliska, Taliyaha ciidanka asluubta, Guddoomiye kuxigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda iyo saraakiil kale, waxaana goobaha ay kormeerka ku tageen ka mid ah Taliska qeybta guud ee Booliska G/Banaadir, Saldhigga degmada Kaaraan, Shaleemo Cabdi Waayeel iyo goobo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbixino la xiriira bacihii baaruuda laga soo buuxiyay ee loo ekeysiiyay madaafiicda ka dhageystay Hay’adaha ammaanka dowladda federaalka, waxaana saraakiishu ay sheegeen in ujeedka ay aheyd in lagu qalqal geliyo shacabka.

Saraakiisha ammaanka ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u soo bandhigay bacihii lagu soo xiray baaruuda macmalka ah ee la doonayay in lagu cabsi geliyo shacabka, taasi oo xalay laga maqlay Muqdisho.

Wasiirka amniga Soomaaliya oo kormeerka kadib warbaahinta la hadlay ayaa yiri “Kormeer shaqo oo uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha ayaan caawa sameynay, waxaan ka bilownay saldhiga Karaan ilaa Galgalato, marka waxaan shacabka u sheegayaa inay ku kalsoonaadaan dowladooda iyo ciidankooda, dadka falalka amni daro sameynayo looma dulqaadanayo, talaabo sharci ah ayaa laga qaadi doonaa, hadii uu alle idmo.”

Kormeerka uu xalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku tagay degmooyinka qaar ee magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qeyb ka yahay qorshaha lagu xoojinayo ammaanka caasimadda dalka.