RW ku xigeenka Dalka iyo Wafdi uu hugaaminayo ayaa gaaray Dalka Niger.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimadda dalka Niger ee Niamey, halkaasi uu kusoo dhaweeyey Ra’iisul Wasaaraha dalka Niger Mr. Ouhoumoudou Mahamadou.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka ayaa ka qayb galaya shirka Midowga Afrika ee ah warshadaynta iyo isu dheelli-tirka dhaqaalaha oo ka dhacay caasimadda dalka Niger ee Niamey. Mudane Saalax ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay dalkaasi in uu kulamo gaar ah la qaato Madaxda Dalka martida loo yahay iyo madaxda kale ee shirka kasoo qeyb galeysa.