RW ku xigeenka XFS oo kulan la qaatay ku xigeenka Xoghayaha guud QM.

Ku simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenk Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta kulan la qaatay ku xigeenka ergayga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr Adem Abdelmoula.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ergeyga Qaramada Midoobay kala hadlay xiriirka dowladda Soomaaliya kala dhexeeya hay’daha kala duwan ee Qaramada Midoobay iyo sidii loo sii xoojin lahaa, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayo waxyaabaha hortabinta u leh Xukuumadda Dan Qaran.

Mr. Adem Abdelmoula ayaa dhankiisa ballanqaaday in Q.M. ay dowladda Soomaaliya kala shaqeyn doonto xasilinta deegaannada dhawaan laga xoreeyey khawaariijta, si loo xaqiijiyo in dadweynaha Soomaaliyeed ay ka soo kabtaan dhibaatada ka soo gaartey kooxaha argagixisada ah ee nolosha iyo horumarka u diidey.