Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay horumarka ay ku tallaabsatay caasimaddu in aan la xaqiijiyeen haddii aan amniga wax laga qaban, isaga oo xusay in horumarka iyo amnigu ay yihiin labo isku xiran oo haddii mid la waayo kan kalana uu meesha ka baxayo. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
“Nabaddu waa tilmaanta quruxda iyo bilicda, marka meel kasta laami la saaro, waxaa kor u kaca nabadda, dhaqaalaha iyo bilicda, dhismaha Jidadku waxa ay muwaadinka u sahlayaan isu socodka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in canshuurta ay bixiyaan si loogu hormariyo dib u dhaska dalka, isagoo faray dadka deggan xarumaha danta guud ah in ay banneeyaan, si bulshada loogu adeego, dibna loogu dhiso.