Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann oo ay ka wada hadleen qodobbo dhowr ah ku saabsan doorashooyinka, amniga iyo abaaraha ka jira dalka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in howsha doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ay mareyso heer gebogebo ah, uuna filayo in ay ku soo dhammaato xilliga loo asteeyay ee 15ka March, taas oo ay xigi doonto doorashada Guddoonnada Labada Aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda.