RW Xamsa oo magacaabay Xubin Muhiim ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay ku xigeenka Xisaabiyaha guud ee Qaranka, waxaa xilkaan loo dhiibay Axmed Maxamuud Muxumed.

Xamsa Cabdi Barre ayaa Axmed Maxamuud Muxumed ka rajeeyay in uu shaqadiisa guto isla markaana uu isbaddel kusoo kordhiyo Xafiiska loo magacaabay ee ah Ku xigeenka Xisaabiyaha guud ee Qaranka.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay kordhiyay magacaabista mas’uuliyiin kala derajo duwan kuwaas oo baddelaya shaqadii ay hayeen xubnaha lagu baddelay.

May be an image of 1 person and text