RW Xamse Cabdi barre oo xalay kulan Casho sharaf ah laqaatay Gudoonka Barrlamanka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Xalay hoygiisa kulan mahadcelin ah ugu sameeyay Guddoonka Golaha Shacabka iyo Guddiga Joogtada ah.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Golaha Shacabka uga mahadceliyay sida wanaagsan ee ay ugala shaqeeyeen Xukuumadda ansixinta shuruucda kaabaysa Dhaqaalaha, Amniga, Deyn-cafinta iyo Arrimaha Bulshada.

Kulanka casha sharafta ah waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, xubanaha Guddiga Golaha Shacabka BJFS iyo xubno ka socday Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa guddoonka iyo Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku ammaanay in kaalin muhiim ah ay ka qaateen golaha sharci dejinta habsami u socodka shaqada Xukuumadda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane, Sheekh Aadan  Madoobe ayaa xukuumadda kula dardaarmay in  shuruucda la ansixiyay ay muhiim u tahay in hore loo sii amba qaado shaqada golaha fulinta, si loo dardar geliyo howlaha baaxada leh ee horyaala, isagoona tilmaamay in la dhaqan geliyo looguna dhaqmo sida saxda ah ee loo ansixiyay