Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho rasmi ah ugu ambabaxay magaalada Dooxa ee dalka Qatar, iyada oo garoonka Aadan Cadde ay ka sagooyiteen qaar ka mid ah Golahiisa Wasiirrada iyo Xildhibaanno ka tirsan BFS.
Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda ayaa lagu sheegya inta uu Ra’iisul Wasaare Xamsa uu joogo Magaalada caasimada dalka qatar ee Dooxa uu kulamo kala duwan la yeelan doono madaxda dalka Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Qatar.
Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Abshir Cumar Jaamac Huruuse, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige, Wasiirka Amniga Gudaha Maxamed Axmed Shiikh Doodishe, Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Faarax Shiikh Cabdulqaadir iyo masuuliyiin kale.
Dowladda Qatar ayaa kaalin weyn ka qaadataa dib u dhiska Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, amniga iyo arrimaha bini’aadanimada, sidoo kale Soomaaliya ayey ka fulisay mashaariic dib loogu dhisayo qaar ka mid waddooyinka dalka oo ku burburay dagaaladii sokeeyey.