RW Xamse Oo Gudoomiyay Shir Muhiim ah.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay shir muhiim ah oo looga hadlayay difaaca guud ee dalka, si looga hortego damaca Itoobiya ee ku aadan baddeenna.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa ka qayb-galay Ku simaha Wasiirka, ahna Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Gudaha, Mudane Maxamed Cali Xagaa, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, S/Gaas Ibraahim Shiikh Muxiyaddiin Caddoow, Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Sulub Axmed Firin, Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad iyo Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye.

Intiisa badan waxaa kulanka looga aaladda guud ee amniga, ciribtirka kooxda Al-Shabaan iyo sidoo kale difaaca dalka, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale ra’iisul wasaare Xamza ayaa warbixinno kala duwan ka dhageystay Wasaaradda Amniga, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kuwaas oo ka warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ammaanka iyo diyaar garowgooda difaaca dalka.

Ra’iisul wasaaraha oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in Xukuumaddiisa ay ahmiyad gaar ah u leedahay sugidda amniga guud ee dalka, dib u xoreynta  iyo xaqiijinta difaaca qaranka ee halis kasta oo ka iman karta gudaha iyo dibeddaba.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaase labada dal ay wadaan dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo, taas oo mar walba laga cabsi qabo inay isku rogto gacan ka hadal.